Addis Ababa (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa wali ku sugan magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia, halkaasi oo uu kaga qeyb galayo shir uu horey u diiday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Cabdiwali Gaas ayaa maalintii 2aad ka qayb galaya shirka Madaxdda Africa ee Tana High Level Forum, halkaa oo uu ka jeediyay Khudbad dhinacyo badan taabaneyso oo khuseysa arrimaha Somalia iyo Africa.
Shirka oo ka dhacay magaalada Bahar Daar ee dalka Ethiopia, ayaa waxa uu Cabdiwali Gaas marka hore Khudbadiisa uga hadlay khayraad dabiici ah ee cagaaga qaarada Afrika, isagoo kula taliyey madaxdda ka soo qayb gashay shirka in laga Faa’iidaysto khayraadkaasi.
Nuqul kamid ah Khudbada Cabdiwali Gaas uu ka jeediyay Shirka Madaxdda Africa ee Tana High Level Forum ayaa waxaa kamid ahaa ”Macdanta Africa waa qani dhinaca khayraadka dabiiciga ah sida saliidda ceeriinka ah oo ay ka mid yihiin shidaalka iyo gaaska, laakiin waxaan u baahanahay inaan helno hogaamiyayaal wanaagsan oo fahmi kara khayraadka faa’iidadiisa”
”Hadaynaana ka faa’iidaysan oo la soo bixin, waxaa dhici karta in wakhti dhaw laga baxo is ticmaalkiisa, waayo hadaynu nahay dadka kunool Qaaradani Africa ma isticmaalo Technology-yada cusub ee maanta aduunka laga isticmaalo, caalamka intiisa kalena waa kusii horumaraysaa maalinba maalinta kadan beysa”
Mar uu ka hadlaayay Amniga Africa ayuu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in si wada jira leysaga kaashto Amniga si buu yiri loo helo dowlado iyo shacab isku xiran oo kawada shaqeeya Horumarka Africa.
Waxa uu sheegay in Somalia ay xiligaani baadi-goob ugu jirto sida ay ku gaari laheyd Amni iyo Horumar, waxa uuna shirka ka sheegay in Somalia ay u baahan tahay is garabtaag si loo soo afjaro dhibta kusii baaheysa dhowrkii sano ee ugu danbeysay.
Waxa uu tilmaamay in Somalia ay doonayso inay dib uga soo kabato wixii hore usoo maray, hadana ay ka jirto siyaasad wanaag kala danbayn, is ixtiraan iyo dib u doonid Qaranimo Soomaaliyeed.
Si kastaba ha ahaatee, Cabdiwali Gaas ayaa madaxda ka qeybgashay shirka ugu baaqay in il gaara ay ku eegaan xaaladaha ka jira Somalia ee dhan Amni iyo mid Horumarba leh.