Munaasabad lagu taageerayo Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somaliya Col Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Dublin ee Caasimadda wadanka Irelnad.
Xafladdaan oo ay kasoo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan wadanka Ireland ayaa waxaa lagu amaanay hanaanka Sharci bixinta Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somaliya waxaana la sheegay in Col Koofi uu wax badan ka qabtay baahidii loo qabay Baasaboor helidda.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Wadanka Ireland Xaaji Axmed Gadaf oo Munaasabadda ka hadlay ayaa dowladda ka codsaday in Somalida Ireland loo fududeeyo Baasaboor helidda maadaama ay aad ugu baahanyihiin.
Waxaa uu sheegay Guddoomiyuhu in Somalida Qaxootiga ah lagu xero Baasaboorka Somaliga si Somalinimadooda loo xaqiijiyo taasi oo mararka qaar ku adkeeto qaab lagu heli karo Baasaboorka, wuxuuna Laanta Jinsiyadaha iyo Socdaalka ka codsaday in loo sameeyo qaab u sahli kara in Basaaboor Soomaaliga ay si fudud ku helaan.
Dhamaan dadkii kasoo qeybgalay Xafladda ayaa aad ugu bogaadiyay Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha sida hufan ee ay uga jabaaweyso baahida dadweynaha iyo sida ay Xafiisyo ugu hergilisay inta badan Magaalooyinka dalka, wexeyna Hambalyo iyo Taageeraba u muujiyeen Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia Col Maxamed Aadan Jimcaale Koofi.