Sawirro: Muqdisho iyo dalka oo dhan oo si weyn looga ciiday iyo madaxda sare oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si weyn looga ciiday magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya maalinta koowaad ee Ciidul-Adxa, ayada oo inta badan salaadda ciida lagu dukaday goobaha fagaaraayaasha.

Magaalada Muqdisho ayaa kamid ahaa goobihii lagu dukaday salaadda ciida, oo qaarkood ay bulshada dukashada salaadda ciida kala soo qeyb-galeen madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa saxmad ahaa saaka waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, ayada oo indhahaaga ay qabanayeen caruur iyo waalid gacanta haya oo u socda goobaha loo diyaariyay ciida iyo tamashleynta.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo masuuliyiin uu kamid yahay ku-simaha madaxweynaha ahna gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa salaadda Ciidda Carafo boqolaal kamid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ah ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidda Carafo, isaga oo xujayda sanadkan gudanaya waajibaadka xajka Alle uga baryey in uu ka aqbalo acmaashooda suubban.

Mudane Xamza ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay isku naxariistaan isla markaana ay is caawiyaan, si farxadda Ciiddu ay u wada gaarto dhammaan bulshada gaar ahaan inta nugul.

Guddomiye Sheekh Aadan Madoobe oo isna salaadda Ciidda kadib la hadlay dadweynihii masaajidka ku sugnaa ayaa ugu hambalyeeyay munaasabada Ciidda, isaga oo dadka Soomaaliyeed ku booriyay garab istaagida dadka danta yar.

Ugu dambeyn guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed midnimo, wadajir iyo in ay taageeraan horumarka dowladnimo ee dalka.

Isku soo wada duubo, Munaasabadda Ciidul-Adxa ayaa si weyn looga dabaal-degay guud ahaan magaalooyinka dalka, waxaana laga dareemaya saxmad waddooyinka waaweyn iyo goobaha ay iskugu imaadan dadweynaha.