25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Sawirro: Musuq baahsan oo lagu hayo ergooyinka dooranaya xildhibaanada Puntland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanada Puntland ayaa sheegaya in beelaha ugu badan ee dega deegaanada maamulka ay ka cabanayaan Musuq-maasuq lixaad leh.

Ergooyinka beelaha ayaa sheegay in Guddiga Doorashooyinka Puntland ay u kala eexanayaan Ergooyinka waxaana la sheegayaa in xubnaha qaar ay banaanka uga saarayaan Liiska Musharaxiinta.

Ergooyinka waxa ay si aad ah uga cabanayaan shuruucda hanaanka doorashadda furan iyo diiwaangalinta ergooyinka oo khaladaad badan ay ka dhaceen oo musharixiinta qaarkood loo siiyay fursad iyo galaangal inay u yeesheen diiwaangalinta ergooyinka u codaynaya.

Tuhunka ugu badan ee Musharaxiinta ayaa ah in Guddiga Doorashooyinka ay wataan shaqsiyaad gaar ah oo Liiskooda hoos looga soo dhiibay, waxa ayna Cabashadu tahay in Guddigu uu kala dilaayo Ergooyinka.

Guddiga ayaa lagu eedeeyay inay si cad u musuqayaan howlaha lagu aaminay, waxaana soo baxaaya in Xubno ka tirsan Guddiga ay lacago laaluush ah ka qaatan xubnaha qaar ee u sharaxan Xildhibaanada.

C/llahi Maxamed oo kamid ah Ergooyinya ayaa yiri ”Guddiga Doorashooyinka ayaa isku bedelay dalaal, waxa ayna laaluush ku kala dilayaan Ergadii, waxaan goobjoog ka ahaa Musharaxiin ku loolameysa Xildhibaanimada oo hal beel kasoo wada jeeda oo midkood qalinka lagu dilay”

C/llahi waxa uu sheegay in Ergooyinka taladooda la baalmaray waxa uuna meesha ka saaray in qaabka loo soo xulaayo Xildhibaanada ay khaldan tahay.

Haddalka iyo Cabashada Ergooyinka ayaa imaanaya iyadoo Guddiga Doorashooyinka ay si hoose u musuqayaan howlaha loo xil saartay.

1 2 3 4

- Advertisement -

Read more

Local News