28.9 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Sawirro: Muxuu madaxweyne Xasan maanta ka sameeyay Muqdisho?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xuska munasaabadda halgankii gobanimodoonka ee SYL awgeed ubax dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Munaasabadda qiimaha badan ee 15-ka May.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay dhallinyarada Soomaaliyeed kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan horumarinta dalka iyo halganka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Xasan Sheekh ayaa intii uu ku sugnaa Taallada Halgameyaashii SYL waxa uu xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada dalka.

Sidoo kale wuxuu shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku dhiirrigeliyey in ay ilaashaadaan midnimada, wadajirkooda iyo dowladnimada taasi oo ahayd mabaadi’dii saldhigga u ahaa halganka SYL.

Dhinaca kale, Madaxwaynaha ayaa iyada oo lagu gudajiro munaasabadda xuska Maalinka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, waxa uu dhagax-dhigay dhismaha cusub ee ay ku shaqayn doonto Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS.

Dhagax-dhigga waxaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ku wehliyay masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha ahna Duqa Magaalada Muqdishu, Maxamed Axmed Amiir iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS, Maxamed Cabdulqaadir Cali.

- Advertisement -

Read more

Local News