27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Sawirro: Odayaasha Soomaalida Borlänge oo loo sameeyay shaqo Soomaali badan ka yaabisay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Odayaasha da’da ah ee aan awooda buuxda u laheyn shaqooyinka, ayaa heshiis la galay shirkadda basaska ka howlgala magaalada Borlänge ee dalka Sweden.

Odayaasha Soomaalida ee ku nool magaalada Borlänge iyo Shirkada ayaa heshiis ku gaaray in ay odayasha howlgabka ah ee Soomaalida la wareegaan Sugidda Ammaanka Basaska si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa basaska kuwooda u kala gooshaaya min magaalo ilaa Gobol.

Odayaasha ayaa waxaa lagu xushay degnaanta iyo dhaqanka wanaagsan waxaana arrintaani horay ugu soo fashilmay Boqolaal dhalinyaro Soomaali ah kuwaasi oo aan laheyn dabeecad ay kula dhaqmaan Rakaabka isticmaalaya Basaska.

Nidaamkaani ayaa meesha ka saaraya meel fadhiga Odayaasha howlgabka ah, waxa ayna iminka Odayaashu bilaaben gudashada howshooda.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
ODAYAASHA-Borlänge1

Odayaasha-Borlänge-2 (1)3

Odayaasha-Borlänge-2

- Advertisement -

Read more

Local News