26.4 C
Mogadishu
Wednesday, June 11, 2025

Sawirro: Qaababka cajiibka ah ee loo kala jaray waddooyinka Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ciidamada ammaanka dowladda Faderaalka Soomaaliya, ayaa goordhow si rasmi ah u jaray dhammaan waddooyinka magaalada Muqdisho kuwaa oo lagu gooyay Carro iyo dhagxaan waaweyn ah.

Waddooyinka la xiray waxaa ay ku yaallan degmooyinka Hodon, Howlwadaag, Warta-nabadda iyo yaaqshiid -waana jidadka ku xirayay dhanka wadada Wadnaha.

Ciidamada ayaa gaadiidka iyo dadka u diidaya in ay Isticmaalaan Wadooyinka Magaalada Muqdisho kuwooda ugu muhiimsan,waxaan dadweynaha Saaka ay ku xareysan yihiin Guryahooda.

Waxaa la xiray jidadka, kadib markii uu ku dhawaaqay duqa caasimadda Muqdisho, Yuusuf Xuseen in la xirayo dhamman waddooyinka magaalada maalmaha Talaadada iyo Arbacada.

- Advertisement -

Read more

Local News