Sawirro: Qarax culus oo ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay Degmada wadajir ee Gobolka Banaadir.

Gaarigaan la qarxiyay ayaa la sheegayaa inuu lahaa Sargaal ka tirsanaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka oo lagu magacaabi jiray Cabdiweli Maxamuud Macoow.

Gaarigan Saarkaalkaani ayaa qarxay xili uu banaanka ka taagnaa Sargaalka waxaana Qaraxaasi kasoo gaaray dhaawac fudud.

Qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday ruux xiligaasi ku dhex jiray gaariga oo lagu magacaab Xasan Cadde.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada Qaraxaasi maanta ka dhacay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15