Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howl-gallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Jawad Ari ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howl-galkan oo ay fuliyeen Ururka 203-aad, Guutada 20-aad, Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa ahaa mid si gaar ah loogu beegsanayay kooxda Al-Shabaab, iyadoo inta uu socday ciidanka ay gacanta ku dhigeen qaraxyo kooxdu diyaarineysay.
Qaraxyadan ayey kooxda ku dhibaateen rabeen shacabka Soomaaliyeed iyo agabyo kale oo ay ka carareen, waxaana ciidanka sidoo kale soo bandhigeen goobo gabaad u ahaa Al-Shabaab oo ay iskaga firxadeen, sida uu sheegay taliska ciidanka.
Howl-galka waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ururka 203-aad, Guutada 20-aad, Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Sayidnuur Daahir (Afgub), iyo Kaaliyaha Ururka, Xasan Axmed Gaabow (Xasan Yare).
Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka socda howl-gallo culus oo Dowladda Federaalka sheegtay in jab xooggan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, isla markaana guulo waaweyn laga gaaray howl-galadii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolkaas.
Dhawaan ayey aheyd markii ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay dileen Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal oo ahaa horjoogaha jabhadaha Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ninkan ayaa ka mid ahaa maleegayaasha weerarrada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeeda, waxaana ugu dambeyn xalay lagu khaarijiyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Cali Heele, oo 30 km u jira galbeedka magaalada Masagawaay ee gobolka Galgaduud.
Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay hoos u dhacay, waxayna illaa hadda ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay xaqiijiyeen bartilmaameedyo muhiim ah.









