Sawirro: QM oo khubaro u dirtay suuqa Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online ) – Qaramada Midoobay oo ka jawaabeysa codsiga kasoo yeeray Somaliland ayaa wafdi culus u dirtay magaalada Hargeysa oo todobaadkan uu ka kacay dab xoogan oo baabi’iyey dhismaha suuqa weyn ee Waaheen oo ku yaalla bartamaha magaaladaas.

Xubno ka socda QM ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha Hargeysa, si ay u soo qiimeeyaan baaxadda waxyeelada ka dhalatay dabkaasi oo ay ku hanti beeleen ganacsato fara badan.

Ujeedka wafdigan ayaa sidoo kale ah sidii Qaramada Midoobay ay qayb uga noqon laheyd dib u dhiska suuqaas oo gabi ahaan burburay.

“Koox ka socota hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa shalay gaaray magaalada Hargeysa si ay qiimeyn ugu sameeyaan waxa loo baahan yahay si looga qayb qaato dib u dhiska suuqa weyn ee magaalada ka dib dab khasaare gaystay oo todobaadkii hore ka kaca,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Wafdiga ka socda QM waxaa sidoo kale qayb ka ah khubaro dhanka farsamada ah oo gacan ka geysan doono dhismaha suuqa oo ay Somaliland ku howlan tahay dib u dhiskiisa.

“Kooxdan, oo ay ku jiraan khubaro dhanka farsamada ah ayey ujeedkoodu yahay in ay gacan ka geystaan dib u dhiska suuqa,” ayuu sii raaciyey qoraalka kasoo baxay QM.

Somaliland ayaa horey baaq culus ugu dirtay Beesha Caalamka oo ka dalbatay inay ka qayb qaadato gurmadka loo fidinayo dadka ku hanti beelay suuqa magaalada Hargeysa.