Garoowe (Caasimada Online) –ย Raโisul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa booqasho aan sidaa loosii shaacin ku tagay Hooyga uu magaaladaasi ka degan yahay Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.
Raโisul wasaare Xasan Kheyre ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay hooyga Faroole waxa ayna labada masโuul halkaa ku yeesheen kulan muddo qaatay.
Raโisul wasaare Kheyre iyo Sanator Faroole ayaa waxa ay kulankooda uga wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin adkeynta dowladnimada, arrimaha doorashooyinka ee maamul goboleedyada iyo dadejinta wada hadalka Somaliland.
Sanator C/raxmaan Faroole oo la hadlay saxaafada kulanka kadib ayuu yiri โRaโiisul wasaaraha ayaa gurigeyga igu soo booqday, waxaan ka wada hadalnay arrimo badan oo ay ugu horeyso dib u heshiisiinta dalka, waxaan isla soo qaadnay wada hadalka Somaliland sidii loo dadejin lahaaโ
โWaxaan rajeyneynaa in Raโiisul wasaaraha uu ka dhabeyn doono dhammaan arrimahaasi ee aan sida gaarka ah uga wadahadalnay anagu waxaanu dooneynaa in dowladnimadu gaarto heer wanaagsanโ
Sidoo kale, Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo mar soo ahaa Hoggaamiyaha maamulka Puntland ayaa carab dhabay in rajadiisu ay tahay mid wanaagsan isla markaana uu Raโisul wasaaraha dhaqan galin doono miraha kasoo baxay wadahadalkooda.
Khayre ayaa booqasho todobaad qaadatay iminka ku jooga magaalada Garowe, halkaasi oo maanta oo la qorsheynayo inuu ka dhaco shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA KULANKAย