29.9 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Sawirro: R/Wasaare Xamza oo dhagax dhigay dhismaha xarun muhiim u ah dalka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Machadka Cilmi-baarista Beeraha Qaranka, taas oo muhiim u ah dalka, maadaama ay wax badan soo kordhin doonto.

Xamza oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in uu rajo weyn ka qabo machadkani in uu soo saari doono khubaro Soomaaliyeed oo door muuqda ka qaata horumarinta wax soo saarka beeraha dalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in beeruhu ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, sidoo kalena muhiimad weyn u leeyihiin horumarinta bulshooyinka dunida oo dhan.

Waxaa kale oo uu carrabka ku adkeeyey in Xukuumadda DanQaran ay mudnaanta koowaad siinayso kordhinta wax soo saarka gudaha, maadaama uu caalamku wajahayo cabsi ku saabsan cunno yaraan, taas oo waddamo badan ku qasabtay in ay joojiyaan dhoofinta dalagyadooda.

“Dhulkeennu waa mid aad ugu habboon beerista oo leh biyo ku filan, waxaan nahay dal isku filnaan kara haddii la horumariyo wax soo saarka beeraha. Xukuumaddana waxaa ka go’an in ay xoogga saarto kobcinta dhaqaale ku saleysan beeraha iyo xoolaha. ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamza.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dadaalka ay ugu jirto abaabulka beeraleyda iyo iskaashatooyinka, xaruntana wax badan ka tari doonto howlaha wax soo saarka ee dalka.

“Soomaaliya waxa ay ku taallaa goob istaraatiji ah oo dunida oo idil muhiim u ah, waxaana jira dalal badan oo diyaar u ah in ay dalkeenna maalgashadaan, gaar ahaan beeraha iyo xoolaha”. ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha ayaa sii adkeeyey baahida loo qabo in la kordhiyo wacyigelinta iyo aqoontooda, isaga oo ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay dib u eegaan maalgashiyadooda, isla markaana ku dhiirradan in ay maal geliyaan wax soo saarka gudaha, gaar ahaan beeraha oo uu sheegay in ay leeyihiin fursado dhaqaale oo ballaaran.

- Advertisement -

Read more

Local News