Sawirro: R/Wasaare Xamza oo maanta qaaday tallaabo la xiriirta doorasho dadweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya oo ka qayb-galay munaasabad ballaaran oo ka dhacday Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay qaadashada Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, kaas oo muhiim ah marka laga hadlayo doorashooyinka qof iyo codka ah ee lala rabo dalka.

Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa lagu soo beegay maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha ee 16 Sebtembar oo maanta ku beegan.

Xamza oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Aqoonsiga Dadweynuhu yahay Xuquuq Dastuuri ah oo maanta dowladdu hirgelisay, ayna heleen Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aqoonsiga Qaran uu xal u yahay caqabado badan oo haysta bulshadeenna, kuwaasi oo ay kamid yihiin, amniga, bixinta adeegyada, dimuqraadiyeynta, doorashooyinka, maalgashiga, isu socodka iyo dammaanadda qofeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xukuumaddiisa ay meel marisay shuruucdii ilaalin lahayd xogta muwaadiniinta, hagina lahayd Hay’adaha ku shuqul leh bixinta iyo keydinta Aqoonsiga Qaran.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in helitaanka kaaran uu fududeyn doono in xuquuq dhammeystiran helaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

“Maanta laga bilaabo dadkeennu waxay heli doonaan Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha oo ah xaq dastuuri ah, taas oo u fududeyn doonta in ay helaan xuquuqda buuxda ee ay dalka ku leeyihiin”. ayuu ku yiri khudbad uu Ra’iisul Wasaare Xamsza ka jeediyay munaasabadda.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in hannaankani uu  ka tarjumayo dowladnimada casriga ah ee dalkeenna ka hana-qaaday, isagoo u mahadceliyey Dowladda Pakistan oo gacan weyn ka geysatay iyo hey’adaha kala ah Bangiga Adduunka iyo UNDP.