Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ka qeyb-galay xuska maalinta caalamiga ah ee naafada adduunka oo sanad walba maanta oo kale laga xuso dunida oo dhan.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda Dan‐Qaran intii ay jirtay la ansixiyey sharciga naafada, ayna ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah ee Soomaaliyeed.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladu ahmiyad weyn siineyso bulshada naafada ah iyo horumarinta kaabayaasha dadweynaha ee loo dhan yahay.
“Waxaan bogaadinaya kaalinta dadka naafada ah ay ku leeyihiin horumarinta bulshada qeybaheeda kala duwan, waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo in xukuumadda ay ka go’an tahay xal u helida colaadaha, cirib-tirka Khawaarijta iyo in dalkeenna oo dhan laga sameeyo tallaabooyin dhanka horumarka ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.
Xamza ayaa tilmaamay in sanadaha soo socda dadka naafada ah ay heli doonaan marinno sida ugu sahlan loo dhisay, ayna ka qeyb-gali doonaan siyaasadda dalka, doorashooyinka madaxa banaan.
Waxa kale oo uu sheegay in qorshaha isbeddelka qaranka ee hadda socda uu saldhig u yahay sidii loo heli lahaa adeeg loo dhan yahay.
Munaasabadda oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda qoyska iyo xaquuqda aadanaha ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay qaar ka mid ah golaha wasiirada xukuumadda, xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.