25.6 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Sawirro: Ra’iisul Wasaare Xamza oo maanta dhagax dhigay xarun casri

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarun cusub oo weyn oo casri ah.

Xaruntan casriga ah ee la dhagax dhigay ayaa waxaa yeelan doonta Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Wasaaradda Beeraha looga fadhiyo sidii ay u horumarin lahayd wax-soosaarka dalka oo kaalin wayn ka qaata dhaqaalaha.

Sidoo kale waxa uu bogaadiyey dhismaha xaruntan oo ah mid casri ah oo fududeyn doonta adeegga ay wasaaraddu u hayso bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xusay in saameynta isbeddelka cimilada adduunka ay yaraysay wax soo saarkii dalaga beeraha ee dunida, sidaas awgeedna loo baahan yahay in xoogga la saaro sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka gudaha.

Dhismaha xaruntan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay xukuumadda Dan-Qaran ku casriyeynayso adeegyada wasaaradda dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo xitaa la gaarsiiyay heer maamul goboleed.

- Advertisement -

Read more

Local News