Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka C/welli Sheikh Axmed Maxamed, ayaa maanta loo doortay gudoomiyaha madashada Wadatashiga iyo Midnimada Soomaaliya.
Sidoo kale madasha waxaa gudoomiye ku xigeen loo kala doortay Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ah gudoomiyaha gudiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya iyo Dr Baadiyoow.
Xaflada oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ra’iisul wasaarihii hore loogu doortay gudoomiyaha madashada cusub ee Wadatashiga iyo Midnimada Soomaaliya.
Cod gacan taag ah ayaa lagu doortay ra’iisul wasaare hore C/welli Sheikh Axmed Maxamed, waxaana ujeedada ay qeyb ka tahay siyaasada sanadka 2016.






