26.3 C
Mogadishu
Tuesday, June 10, 2025

Sawirro: Sheekh Shariif oo sheegay sirta ka dambeysa safarkiisa BAYDHABA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadda ah guddoomiyaha midowga Musharrixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Sheekh Shariif iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxa lagu wadaa inay maalmo ku sugnaan doonan magaalada Baydhabo, iyaga oo ka bilaabi doona arrimo la xiriira doorashada iyo ololaheeda, maadama ay muddo kooban inaga xigto qabsoomida doorashooyinka.

Shariifka ayaa xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed kulan kula qaatay madaxweynaha maamulkaas, C/cassis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlad goboleedka Koofur Galbeed.

Wafdigan ayaa inta ay ku sugan yihiin Baydhabo, waxay kulano la qaadan doonaan mas’uuliyiinta ugu sareysa dowlad goboleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaasi oo kala hadli doona xaaladda dalka iyo marxaladda kala guurka ah ee Doorashooyinka.

Sheekh Shariif oo hadal kooban ka jeediyay munaasibada soo dhaweyntiisa ayaa sheegay inuu dalku galayo marxalad cusub, isla markaana ay muhiim tahay in la sameeyo wada-tashi dhinac kasta ah, kaasi oo uu sheegay inay maanta u joogan Baydhabo.

Waxa kale oo uu sheegay inuu safarkooda la xiriiro xogogaal u noqoshada xaalada deegaanada maamulkaasi iyo sidii ay dowlad goboleedyadu u qaadan lahaayeen mowqif adag oo ku aadan hanaanka doorashada oo uu socdo diyaar garowgeedu.

Ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay in xiligan loo baahan yahay in waxkasta lagu dhameeyo jawi nabadeed, iyada oo laga baaqsanayo tafaraaruq, isla markaana loo marayo wada-tashi iyo talo wadaag.

Safarka Shariif ee Baydhabo ayaa imanay xili ay maanta musharaxiinta mucaaridku ay soo saareen war-murtiyeed ku aadan arrimaha doorashooyinka oo muddooyinkii dambe ay ka muujiyeen walaac xoogan.

Si kastaba, Mucaaridka oo uu hogaaminayo Sheekh Shariif ayaa u muuqda mid xulufeysi cusub la sameysanaya madaxda maamulada dalka, kaasi oo uu qeyb ka yahay safarka uu maanta uga degay caasimada kumeel gaadhka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Hoos ka daawo sawirrada soo dhoweynta iyo kulamada Shariif ee Baydhaba

- Advertisement -

Read more

Local News