Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland maalintii labaad ku sugan Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Sheekh Shariif ayaa saacadihii ugu danbeeyay Madaxtooyada Kismaayo kulamo kala duwan kula qaatay Hogaamiyaha maamulka Axmed Madoobe, Xildhibaano iyo Odayaal dhowr ah oo taladoodu ay ku dhisan tahay Jubbaland.
Inta uu socday kulanka Axmed Madoobe iyo Sheekh Shariif, ayaa waxaa leysla soo hadalqaaday Doorashada Somalia iyo qaabka uu usocdo ololaha Madaxweynihii hore ee Somalia.
Sheekh Shariif ayaa Axmed Madoobe usoo bandhigay qorshihiisa ku aadan Doorashada dalka, waxa uuna Hogaamiyaha maamulka ka dalbaday in garab lagu siiyo Codadka Xildhibaanada.
Axmed Madoobe ayaa Sheekh Shariif ka aqbalay taageerida waxa uuna ballanqaaday in Xildhibaanada lagu soo doortay Kismaayo aysan dooran doonin cid aan isaga aheyn.
Axmed Madoobe waxa uu sidoo kale, Sheekh Shariif u ballanqaaday inuu ka qeybqaadan doono xiitaa sida Xildhibaanada kale ay codka ugu shubi lahaayen, waxa uuna amaan gaara usoo jeediyay Sheekh Shariif oo markii horaba ay ahaayen saaxiibo isku dhow.
Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa Sheekh Shariif ka dalbaday in Xildhibaanada BFS ee ku sugan magaalada Kismaayo uu ka dalbado codadkooda iyo waliba inay soo il duufaan Xildhibaanada kale.
Dhinaca kale, Sheekh Shariif ayaa lagu wadaa in maanta uu kulan guud la qaato Xildhibaanada uu laba maalin un ka hor uu isugu yeeray Hogaamiyaha Jubbaland, waxa ayna tani layaab ku noqotay Sheekh Shariif oo aan fileynin soo dhaweyn taa lamid ah.