Laascaanood (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Xildhibaan Cali Xoosh ayaa maanta si rasmi ah magaalada Laascaanood uga furay shirweynaha dhameystirka dhismaha maamulka SSC-Khaatumo.
Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in dowladda federaalka ay geed fadhi u noqon doonto dhismaha dowlad-goboleed rasmi ah, dastuur leh, kuna yimaada rabitaanka bulshada deegaanka.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aaminsan tahay in xalka nabadda iyo horumarka deegaannada SSC lagu gaari karo oo keliya in la helo dowlad-goboleed dhameystiran oo si buuxda uga mid noqda nidaamka federaalka JFS,” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh oo sidoo kale bulshada reer SSC ku amaanay go’aanka ay aayahooda uga tashanayaan.
Shirkan oo dhowr jeer dib u dha ku yimid ayaa ugu dambeyn maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Laascaanood, waxaana ka qeyb-galay siyaasiyiinta, aqoon-yahanka iyo waxgaradka dhaqanka ee deegaanka.
Shirkan oo ah mid xasaas ah ayaa waxaa lagu dhameystiri doona dhismaha maamulka SSC, iyadoo dhinacyadu ay dood adag ka yeelan doonaan magaca cusub ee maamulkan uu qaadan doono.
Siyaasiyiinta mucaaradka oo markii hore si adag uga soo horjeeday sida wax loo wado ayaa haatan u muuqda kuwa lasoo qanciyay, si uusan u burburin shirka. Qorshaha ayaa ah in marka hore la dhameystiro dhismaha maamulka, kadibna la aado doorashada.
Si kastaba, SSC-Khaatumo oo hadda u furmay dhabo cusub ayaa isku diyaarineyso maamul dhameystiran, iyada oo taageero ballaaran ka helaysa dowladda federaalka, oo u aragta mid xoojineysa midnimada dalka.