Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada AMISOM ayaa soo bandhigay sawirro ka turjumaaya cibaadada ay ku howlan yihiin qaar kamid ah ciidamada heysta diinta Islaamka.
Ciidamada lasoo bandhigay ayaa ku guda jira Afur iyo dukashada salaada Maqrib, maadaama ay yihiin kuwa heysta diinta suuban.
Ciidamadani ayaa ku dhex jira masjid ku yaala Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, iyadoo guud ahaan ciidamada Muslimka ah lagu sheegay inay gaarayaan inkabadan 600 oo u badan Jabuutiyan iyo Ugandhees.
Ciidamada AMISOM, garabka heysta diinta Islaamka ayaa leh guddiyo u qaabilsan dhanka soonka kuwaa oo xili waliba isku hoola hagaajinta goobaha cibaadada.