Sawirro: Sidee ayey ku waabariisatay goobtii uu qaruxu ka dhacay ee Zope?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa subaxnimadii Saakay mar kale goobta uu ka dhacay Qaraxii shalay ka bilowday baadi-goobka dad farabadan oo lagu la’ yahay dhismooyinka dumay.

Goobta uu Qaraxa ka dhacay oo u muuqaal eg Ciraaq iyo Syria ayaa waxaa hadda ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan dowlada, Taliyayaal, Saraakiil iyo Dad shacab ah oo ay ka maqan yihiin dadkooda.

Dadka qaar ayaa xooga saaraya sida ay meydadka uga soo hoos bixin lahaayen dhismooyinka kuwaas oo qaarkood ay adag tahay in la hoos galo.

Muuqaalada ilaa iyo hadda Meydadka laga soo hoos saaray dhismooyinka ayaa waxaa adag in la aqoonsado, waxaana badi la geynayaa isbitaalka Daaru shifa iyo Madiina si halkaasi ay dadka uga raadsadaan.

Dadka qaar ayaan ku dhawaan karin Goobta oo ay kasoo urayaan dhiiga dadkii ku waxyeeloobmay Qaraxa iyo kuwa ku hoos jira dhismooyinka.

Madaxda ugu sareysa Dowlada Federaalka ayaa saaka lagu wadaa inay booqan doonaan Isbitaalada iyo goobta uu ka dhacay Qaraxa.