26.7 C
Mogadishu
Monday, March 16, 2026

Sawirro: Sidee ayey u dhacday doorashada Madaxweynaha cusub ee HirShabelle

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online)-Xildhibaanada Baarlamaanka HirShabeelle ayaa maanta u doortay Maxamed Cabdi Waare inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamul goboleedkaasi, ka dib markii uu helay 74 cod.

Madaxweynaha cusub ayaa intii lagu guda jiray codeynta waxa uu wareegga labaad uga adkaaday Daahir Cabdulle Cawaale oo helay 23 cod.

Madaxweynaha cusub Maxamed Cabdi Waare ayaa looga adkaaday doorashadii ugu horaysay ee HirShabeelle, taasoo uu madaxtinnimada ku guulaystay Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa muddo kasoo shaqeeyay arimaha bani’aadannimada.

Doorashada oo ka dhacday magaalada Jowhar ayaa timid ka dib markii uu baarlamaanka maamulkaasi xilka ka qaaday Cali Cabdullaahi Cosoble, walow Cosoble aanu aqbalin go’aankaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News