Sawirro: Sidee ayuu maanta u dhacay shirka u dhexeeya DF iyo maamul Goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka iyo Madaxda maamul Goboleedyadda dalka ayaa waxa uu maanta Shir uga furmay Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa shir Gudoominaayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa uuna shirkaan ahaa kii ugu horeeyay ee ay yeeshan Madaxda Qaranka iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada dhexe.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda federaalka, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa furitaanka shirkan ka sheegay in waxa ugu weyn ee lagaga wada hadlayo ay tahay sugidda amniga qaranka, wuxuu madaxwayne Farmaajo cadeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay yeelato hagista hawlaha ammaanka dalka.

Madaxwaynaha oo ka hadlayay qorshaha shirka London ayaa tilmaamay in dowladda dhexe iyo Maamulada xubnaha ka ah ay la tagayaan shirkaas wax ay ku midaysan yihiin, caalamkana ay tusayaan sida dadka Soomaaliyeed isugu duubanyihiin.

Dowlada federaalka ayaa kulanka xoogga ku saari doonta sidii madaxda maamul gobolleedyada ka dhisan dalka looga raaridi lahaa in ajende mideysan lala tago shirka bisha May ka furmaya magaalada London ee looga hadlayo xaalada Soomaaliya.

Shirka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha shacabka, Guddoomiyaha Aqalka sare, Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ,waxaana lagu wadaa in maalinta barri ah la soo gabagabeey.

Kulanka ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah la soo gabagabeeyo waxaana la filayaa in laga soo saaro warmurtiyeed ku saabsan qodobada lagu hishiiyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u sheegay in dowladiisa mudnaanta koowaad siin doonto hagaajinta xiriirka dowladda dhexe iyo maamulada dalka ka dhisan, waxaana muuqata in kulanka bilow u yahay balanqaadkii madaxweynaha.