Washington (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wafdi culus u dirtay dalka Mareykanka ayaa haatan dha-dhaqaaq culus ka bilaabay gudaha magaalada Washington, waxaana hoggaaminayo wasiirka maaliyadda dalkeenna Biixi Iimaan Cige.
Wasiirka ayaa halkaas u tegay shirka sanadlaha ah ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka oo lagu qabanayo magaalada Washinton ee dalka Mareykanka.
Kahor furitaanka shirka guud, wasiirka iyo wafdigiisu waxay kulamo gaar ah la yeesheen madaxda IMF, Bangiga Adduunka, iyo Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta.
Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Ku-xigeenka maamulaha guud ee IMF, Mudane Nigel Clarkem kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dhinac ee ku dhisan horumarinta dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta hannaanka maaliyadda dalka.
IMF ayaa door muhiim ah ka qaadatay taageerada dib-u-habaynta maaliyadeed ee Soomaaliya, waxayna haatan wada shaqeyn dhow la leedahay dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale wasiirka kulan kale la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka ee dalalka Koonfurta iyo Bariga Afrika, Mudane Ndiamé Diop, oo ay weheliyaan madaxa gobolka Geeska Afrika iyo Wakiilka Soomaaliya ee Bangiga, kaas oo isna lagu falanqeeyay mashaariicda horumarineed ee uu Bangigu ka fuliyo Soomaaliya iyo sidii loo kordhin lahaa taageerada iyo mashaariicda mustaqbalka.
Waxaa kale oo wasiirka maaliyadda Soomaaliya kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta, Mudane Fawzi Yousef Alhunaif, iyo madax kale oo ka tirsan hay’addaas. Kulanka waxaa lagu gorfeeyay qorsheyaasha dib-u-habaynta maaliyadda, fursadaha maalgelinta ee mustaqbalka dhow, iyo iskaashiga ku saabsan arrimaha deymaha.
Dhaq-dhaqaaqydan iyo kulamada ay Soomaaliya ka waddo Washington ayaa kusoo aadayo, iyada oo todobaadkan Hay’adda Lacagta Adduunka IMF ay soo saartay warbixin ay ku faraxday dowladda federaalka, taas oo ku aadaneyd horumarka dhaqaalaha dalka,iyada oo looga hadlay isbeddellada ay ku tallaabsatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
IMF ayaa ku amaantay dadaalka dowladda Soomaaliya ee horumarinta ilaha dhaqaalaha iyo dib-u-habeynta hannaanka maamulka maaliyadda dalka, oo ay ugu muhiimsan yihiin sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo hagaajinta shuruucda maaliyadda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale si wayn loogu bogaadiyay in ay ka go’an tahay sii wadidda arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta xeerarka maamulka canshuuraha iyo iibka Qaranka oo muhiim u ah sare u qaadidda dakhliga dalka.
Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay sameyneysay kobac dhaqaale oo wayn, waxaana isbeddellada dhacay ay horseedeen in lagu guuleystay barnaamijkii dayn cafinta dalka.