27.9 C
Mogadishu
Tuesday, October 7, 2025

Sawirro: Soomaaliya oo soo dhoweysay sarkaalkii ugu horeeyay ee 40 sano kadib…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qayb-galay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho oo lagu maamuusayay Dhamme Maxamed Muuse Maxamed. Munaasabaddan ayaa ahayd mid lagu xusayay guusha uu sarkaalkani ka gaaray dhanka tababarka ciidanka.

Dhamme Maxamed Muuse Maxamed ayaa noqday sarkaalkii ugu horreeyay ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee 40 sano kadib ka qalinjabiyay Akaadeemiyada Ciidammada Boqortooyada Ingiriiska ee Sandhurst (Royal Military Academy Sandhurst). Tani ayaa loo arkay guul weyn oo dib u soo celinaysa xiriirka iskaashiga milatari ee labada dal.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire Charles King, U-qeybsanaha Ciidanka ee Safaaradda UK, Captain James Edwards, Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Dhulka XDS, S/Guuto Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), iyo saraakiil kale oo ka socday Ciidanka Xoogga Dalka, Wasaaradda Gaashaandhigga, iyo Safaaradda Ingiriiska.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa u hambalyeeyay Dhamme Maxamed Muuse, isagoo ku bogaadiyay dadaalkiisa iyo sida uu uga go’an yahay kor u qaadista aqoonta iyo xirfadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay in sarkaalkani uu tusaale wanaagsan u yahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee doonaya inay dalkooda u adeegaan.

Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyay doorka Dowladda Boqortooyada Ingiriiska iyo taageerada ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarrada ciidamada, iyo xoojinta hay’adaha difaaca. Wuxuu xusay in iskaashigan uu door muhiim ah ka ciyaaro dib u dhiska iyo casriyeynta ciidamada.

Wasiirka ayaa tilmaamay in guusha uu gaaray Dhamme Maxamed Muuse ay muujinayso dadaalka dowladda ee ah in la helo ciidamo aqoon iyo xirfad sare leh oo awood u leh difaaca qaranka iyo ilaalinta nabadda dalka.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa Soomaaliya ka taageerta dhinacyada amniga, tababarka ciidamada, iyo xoojinta hay’adaha difaaca. Dowladda Ingiriiska ayaa sidoo kale siisaa qalab iyo taageero farsamo si loo xoojiyo awoodda dowliga ah ee Soomaaliya iyo horumarinta amniga guud ee dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News