26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Sawirro: Suuqa Saamiyada Soomaaliya oo markii ugu horeysay laga furay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horreysay lagu daahfuray Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed, waxaana munaasabadda furitaanka ka soo qaybgalay madax iyo mas’uuliyiin kala duwan.

Waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Maxamuud Cabdikariin Gabayre; Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Faarax; xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka; Agaasimaha Guud ee SOMINVEST, Maxamed Dubo; shirkadaha isgaarsiinta dalka; iyo Midowga Bangiyada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa ka qeyb galay Maareeyaha Suuqa Saamiyada Rwanda, ahna Guddoomiyaha Midowga Suuqyada Saamiyada Afrika, Pierre Celestin Rwabukumba; Maareeyaha Suuqa Saamiyada Nairobi, Frank Mwiti; iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed, Yaasin Maxamuud Cibaar, ayaa tilmaamay muhiimadda uu suuqani u leeyahay dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in uu furo fursado horleh oo dhanka maalgashiga ah.

Suuqan saamiyada ayaa ganacsatada u sahlaya in ay helaan raasamaal ballaaran si ay u kobciyaan ganacsigooda, halka shacabka Soomaaliyeedna uu siinayo fursad ay ku maalgashadaan oo ay saamiyo furan ku yeeshaan shirkadaha gudaha iyo kuwa caalamiga ahba, meel kasta oo ay joogaan. Sidoo kale, suuqani waxa uu fursad siinayaa shirkadaha caalamiga ah inay isdiiwaangeliyaan, si ay u helaan saamilay Soomaali ah.

Arrintan waxay astaan u tahay hannaan rasmi ah oo dhiirrigelinaya maalgelinta, horumarinta bulshada, iyo koboca dhaqaale ee waara. Hadda fursaddu waa caddahay, maadaama la daahfuray Suuqa Saamiyada – waana waqtigii ay Soomaaliya si dhab ah uga mid noqon lahayd isbeddelka iyo horumarka ka socda gobolka Geeska Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News