27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Sawirro: Taliyaha booliska Amisom iyo kan Jubaland oo tagay xarunta doorashada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismayao (Caasimada Online) – Taliyaasha  Ciidanka Booliska maamulka  Jubbaland iyo kan AMISOM ayaa maanta kormeer ku tegay hoolka loogu talagalay in ay ka dhacdo doorashada madaxtinimo ee maamulkaas.

Col. Maxamed Naasir oo uu wehlinayay iyo taliyaha Booliiska Amisom qeybta Jubbaland ayaa Maanta soo indha-indheeyay xaaladda amni ee goobta loo cayimay in ay ka dhacdo doorashada iyo sida masuuliyaddooda uga gudan lahaayeen talisyadaan.

Xarunta lagu qabanayo doorashadu waxa ayaa ku taalla kasoo horjeedka xarunta Baarlamaanka maamulka Jubbaland Ex-Caymiska ee Magalada Kismaayo.

Xaruntan ayaa ammaankeeda waxaa sugaya Booliiska Jubbaland halka ay ciidamada Booliiska Amisom ku soo biiri doonaan maalinta ay dhaceyso doorashada.

- Advertisement -

Read more

Local News