27.1 C
Mogadishu
Tuesday, June 10, 2025

Sawirro: Trump oo ciidanka Marines-ka ku daabulay Los Angeles xilli xaaladu ka dartay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Los Angeles (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii amar ku bixiyay in magaalada Los Angeles loo diro 700 askari oo ka tirsan Ciidanka Marines-ka, isagoo uga digay dadka ka mudaharaadaya xarigga muhaajiriinta inay “la kulmi doonaan ciqaab aan horey loo arag.”

Trump ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in 2,000 oo askari oo dheeraad ah oo ka tirsan Ilaalada Qaranka la geeyo magaalada Los Angeles, si ay uga jawaabaan mudaharaadyada ka dhashay arrimaha socdaalka, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin Mareykan ah.

Tallaabadan aan caadiga ahayn ee lagu daabulay ciidamada milatariga ee buuxa ayaa kusoo beegantay iyadoo boqollaal kale oo ka tirsan Ciidamada Kaydka Qaranka (National Guard) ay horey u joogeen magaalada, taasoo sii hurisay xiisadda ka taagan Los Angeles oo leh bulsho Latino ah oo aad u tiro badan.

Barasaabka gobolka California, Gavin Newsom, ayaa tallaabadaas ku tilmaamay “mid waalli ah.”

“Ciidanka Marines-ka Mareykanka waxay si sharaf leh uga qayb qaateen dagaallo badan si ay u difaacaan dimuqraadiyadda,” ayuu Newsom ku qoray baraha bulshada.

“Lama gudboona in lagu adeegsado gudaha dalka, laguna jeediyo muwaadiniintooda si loo fuliyo mala-awaalka kali-talisnimo ee Madaxweyne. Tani waa wax aan Maraykannimada la jaanqaadi karin.”

Ciidamada ayaa la geeyay magaalada kadib markii mudaharaadayaal la wareegeen waddooyin ku yaalla bartamaha Los Angeles Axaddii, halkaasoo ay gubeen gaadiid iyo dukaamo dhac loo geystay, taasoo keentay in boolisku adeegsado sunta dadka ilmada ka keenta iyo rasaasta caagga ah.

“Mudaharaadayaashu waa dad abaabulayaal rabshado wata oo u tababaran fowdada,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha ku sugan Washington.

Isaga oo fariin soo dhigay baraha bulshada ayuu sheegay inuu diray Ciidamada Kaydka Qaranka si ay ula tacaalaan “rabshado la huriyay oo si ula kac ah loo abuuray,” isagoo intaas raaciyay: “Haddii aynaan tallaabo qaadi lahayn, Los Angeles gebi ahaanba waa la baabi’in lahaa.”

Trump wuxuu sheegay in mudaharaadayaashu ay ku tufeen ciidamada, isagoo ku hanjabay: “Haddii ay taas sii wadaan, waxaan balan qaadayaa in loo ciqaabi doono si ka adag sidii hore. Ixtiraam-darradaas lama aqbali doono!”

Mid kamid ah ganacsatada yaryar oo dhismihiisa lagu qoray farriimo aflagaado ah ayaa taageeray tallaabada xooggan ee dowladda.

“Waxaan u arkaa inay lagama maarmaan tahay si loo joojiyo burburka,” ayay u sheegtay AFP, iyadoo diiday in magaceeda la xuso. “Qof walba wuu bannaanbixi karaa, balse ha u sameeyo si nabdoon. Ha burburin magaaladaada, waayo waxaad waxyeellaynaysaa dad noloshooda ka shaqeynaya.”

Qaar kalena waxay muujiyeen cabsi iyo carro.

“Waxaa naloo diray inay nagu ilaaliyaan, balse hadda waxay u muuqdaan kuwo nala dagaallamaya,” ayay tiri Kelly Diemer, 47 jir ah, oo u warramaysay AFP. “Tani ma aha dimuqraadiyad.”

– “Guryihiina ku laabta!” –

Maalintii afraad ee mudaharaad ayaa ka socotay magaalada Los Angeles, taasoo ka dhalatay xarigga tobanaan qof oo ay laamaha ammaanku sheegeen inay yihiin muhaajiriin sharci-darro ah iyo xubno ka tirsan kooxaha burcadda.

“Doofaarro yahow guryihiina ku laabta!” ayay ku qeylinayeen dadka mudaharaadayaasha ah iyadoo ay hor taagnaayeen xarun lagu hayo muhaajiriinta. Qaar kalena waxay garaacayeen baabuurta aan lahayn calaamadda booliska iyadoo ay dhex marayeen xayndaabyo ciidan.

Dad badan ayaa kusoo qulqulay xaruntaas, iyadoo ciidamada Booliska Los Angeles ay dhisayeen xayndaabyo la doonayay in lagu kala saaro bannaan-baxayaasha iyo saraakiisha federaalka.

La-taliyaha arrimaha socdaalka ee Trump, Tom Homan, ayaa sheegay in Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka (ICE) ay bartilmaameedsanayso xubno ka tirsan kartellada daroogada ee Mexico iyo Colombia.

Balse dadka deegaanka qaar ayaa si ka duwan u arkayay xaaladda.

“Waxay yihiin dad si daacad ah u doonaya inay noloshooda horumariyaan,” ayay tiri Deborah McCurdy, oo 64 jir ah, kana qayb-galaysay isu-soo-bax. “Waxay mudan yihiin fursad. Ma mudna in loo arko dambiileyaal.”

Habeenkii xigay, burcadda ayaa gubtay gaadiid, jabisay daaqado, iyadoo lagu daray burburkii horay u dhacay kadib markii shan baabuur oo iswada oo ay leedahay shirkadda Waymo la gubay. Meelo badan oo magaalada ka mid ah ayaa lagu qoray qoraallo xun-xun.

Inkasta oo ay jireen falal rabshado wata oo muuqda, mas’uuliyiinta iyo booliska ayaa xusay in inta badan mudaharaadyadii toddobaadkii ay ahaayeen kuwo nabdoon.

Dugsiyada magaalada Los Angeles waxay u shaqaynayeen si caadi ah Isniintii, waxaana muuqday in nolosha magaalada ballaaran aysan si weyn u saameynin.

Duqa magaalada, Karen Bass, ayaa u sheegtay CNN in si ka duwan hadalka Trump, “arrintu ku kooban tahay dhowr waddo oo magaalada ah. Ma aha rabshado guud oo magaalada dhan ah.”

Booliska Los Angeles ayaa sheegay in ugu yaraan 56 qof la xiray labo maalmood gudahood, iyadoo shan sarkaalna ay dhaawacyo fudud soo gaareen. Intaa waxaa dheer, ilaa 60 qof ayaa lagu xiray dibadbaxyo ka dhacay magaalada San Francisco.

Ciidanka Kaydka Qaranka waxaa inta badan loo adeegsadaa xaaladaha degdegga ah ee dabiiciga ah, mararka qaarna xasillooni-darrooyinka gudaha, balse badanaa iyadoo lagala heshiiyay maamulka deegaanka.

Laakiin go’aanka Trump uu ku diray ciidamada—iyadoo laga tallaabsaday oggolaanshaha gobolka—ayaa noqonaya kii ugu horreeyay tan iyo sanadkii 1965, xilligii ugu kululaa ee halgankii xuquuqda madaniga ah, waxaana si adag u dhaleeceeyay xubno badan oo Dimoqraadi ah, oo ay kamid tahay Kamala Harris.

Harris, madaxweyne ku-xigeenka hore, ahaydna musharraxii doorashadii 2024 ee Trump la tartamay, ayaa ku tilmaamtay “koror khatar ah oo lagu rabo in lagu abuuro qalalaase.”

Qaramada Midoobay ayaa iyaduna uga digtay Maraykanka “sii milatariyeynta” xaaladda, hadallo loo arki karo inay si weyn uga xanaajinayaan Aqalka Cad.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News