Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ballaaran oo ka socday Jamhuuriyadda Turkiga ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Wafdiga ayaa waxaaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulqaadir Dhucle iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wafdigan waxaa hoggaaminayey Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Turkiga, Durmuş Ünüvar, iyadoo booqashadooda muujinayso sii xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Wasiirka iyo wafdigiisa uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Soomaaliya.
Mudane Dhucle ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay booqashadani u leedahay horumarinta wada-shaqeynta labada dhinac.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga uu door weyn ka qaadan karo kobcinta kaabayaasha dekadaha, horumarinta adeegyada badda, iyo xoojinta mashaariicda istaraatiijiga ah ee la xiriira gaadiidka badda.
Inta ay wafdigu ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, waxaa kulamo kala duwan la yeelan doonaan madaxda sare ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta iskaashiga, iyo horumarinta wax wada-qabsiga la xiriira kaabayaasha dhaqaalaha.










