Muqdisho (Caasimada Online) – Gabadhaani oo lagu magacaabo Saida Ahmad Baghili una dhalatay dalka Yemen ayaa waxa ay dhalanrogtay damiirka Shucuubta caalamka kadib markii Isbitaalka lagu baxnaaninaayo ay ku booqden warbaahinta qeybaheeda kala duwan.
Gabadhaani oo da’deeda lagu sheegay 15 ilaa 20 Jir ayaa waxaa saameyn ku yeeshay nolosheeda Abaaraha dalka Yemen ka taagan ee Boqolaal qof iilka dhigay.
Warbaahinta u booqashada tagtay Saida Ahmad Baghili, ayaa sabab u noqotay in Addunka ay jawaab ka bixiyaan macluusha ba’an ee ka taagan dalka Yemen.
Indhaha caalamka ayaa dhawaanahaani kasii jeeday macluusha ka taagan Yemen balse waxaa hadda muuqata in Caalamku uu usoo jeestay Yemen.
Boqolaal ka liita Saida Ahmad Baghili ayaa waxa ay sidoo kale ku jiraan isbitaalada dalka Yemen, waxaase hadda bilaabatay in gurmad loo sameeyo dadkaasi.