26 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Sawirro: Wasiir Cawad oo la kulmay Margot Wallström

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Stockholm (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay magaalada Stockholm dhiggiisa Sweden Marwo Margot Wallström.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Cawad uu , Wallström la yeeshay wadahadal ku qotoma qaabka lagu xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Sweden iyo arrimaha gobolka.

Cawad iyo Margot waxa ay tilmaameen muhiimadda ay leedahay wax wadaagga Soomaali iyo Sweden iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo, waxa ayna adkeeyeen sii socoshada howsha wadaagga ah ee dhinacyada badan leh ee nafci is dhaafsiga ah.

- Advertisement -

Read more

Local News