Kampala (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo safar shaqo ku jooga dalka Uganda ayaa maanta saxiixay heshiis muhiim ah.
Heshiiskan oo ah mid iskaashi oo ku saabsan amniga iyo arrimaha socdaalka, ayaa wuxuu Wasiir Fartaag la saxiixday Wasiirka Amniga Hon. Jim Katugugu Muhwezi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Uganda Maj. Gen. Kahinda Otafiire.
Sida lagu shaaciyay saxiixa heshiiskan, waa mid la xiriira xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada amniga iyo socdaalka.
Wasaaradda Amniga Guda Soomaaliya ayaa heshiiskan ku tilmaamtay mid qayb ka ah dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku doonayso in ay ku xoojiso iskaashiga amni ee gobolka.
Munaasabadda saxiixa heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Uganda, iyo mas’uuliyiin kale.
Si kastaba, iskaashigan cusub ayaa la filayaa in uu wax badan ka tari doono la-dagaallanka dambiyada abaabulan, argagixisada, iyo hagaajinta nidaamka socdaalka ee labada dal.
Wasiir Fartaag ayaa intii uu ku guda jiray socdaalkiisa dalka Uganda waxa uu magaalada Kampala kulamo miro-dhal ah kula qaatay madaxda sare ee dalkaasi, oo ugu horeeyo Wasiirka Amniga ee Jamhuuriyadda Uganda, Hon. Jim Katugugu Muhwezi.
Socdaalkan ayaa ah mid lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca amniga ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan la-dagaalanka kooxaha argagixisada, isdhaafsiga macluumaadka sirdoonka iyo tababarrada ciidamada amniga ee labada dowladood.








