Muqdisho (Caasimada Online) – Ruux ku hubeysnaa Hubka fudud ayaa waxa uu weerar qorsheysnaa ku qaaday warshad ku taal magaalada Hesston ee gobolka Kansas.
Ruuxaasi ayaa gudaha warshada ka geystay toogasho uu ku ogaarsanaayay Saraakiisha warshada iyo dad iska caadi ahaa oo halkaasi ku sugnaa xiliga weerarka.
Ruuxa weerarka geystay ayay wararku sheegayaan in uu ahaa mid ka shaqeynayay warshadda, waxaana dadka uu dilay iyo kuwa uu dhaawacayba wada ahaayeen dad ay isla shaqeynayeen oo u badnaa Saraakiisha ugu sareysa maamulka warshada.
Weerarka ayaa waxa uu dhacay xalay maqribkii xilliga mareykanka, waxa uuna weerarka fajac geliyay dadka ku dhaqan magaalada Hesston, waxaana ay wararku sheegayaa in ay ku dhinteen inta u dhaxeysa 4-7 ruux, halka dhaawucuna uu gaarayo 15-ruux.
Ruuxa weerarka qaaday ayaa warshada ku imaaday Gaari lasoo xaday waxaana la sheegay in uu xabadda kasoo bilaabay albaabka laga soo galo shirkadda.