27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Sawirro: Xaaska Xasan oo lacag ku bixisay doorashada 3 xildhibaano oo haween ah + Magacyada

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Marwo Sahro Cumar Xasan waa mid ka mid ah labada xaas ee Madaxweynaha xilkiisa dhamaaday, Xasan Sheekh Maxamuud, waxay kaalin ka qaadatay guusha iyo soo bixitaanka xildhibaanada dumarka ee loo qoondeeyay haweenka, kuwaasi oo kusoo baxay tartamo ka dhacay Muqdisho, Jowhar iyo Cadaado.

Marwada Madaxweynaha ayaa dhaqaale gaaraya 50 kun dollar midkiiba ku bixisay inay soo baxaan Seddax xildhibaan oo dumar ah, kuwaasi oo ay sababta u maal gelisay tahay sidii ay ugu codeyn lahaayeen ninkeeda oo mar kale u sharaxan Madaxweyne.

Xildhibaanad Dahabo Suusuu

Xildhibaanada ay Marwo Sahro Cumar Xasan lacagteeda kusoo saartay ayaa waxaa ka mid ah, Dahabo Suusuu oo doorashadii haweenka loo qoondeeyay ee Hirshabeelle, waxaana lagu bixiyay 50 kun dollar oo Marwo Sahro Cumar Xasan bixisay.

Wax kaloo ka mid mid ah Xildhibaanad Caasho Koos oo doorashadii gobolada Waqooyi ee Muqdisho lagu qabtay kusoo baxday, waxayna dhaqaalaha ku baxay ay ka heshay Marwo Sahro Cumar Xasan.

Xildhibaanad Caasho Koos

Sahro Cumar Maalin oo iyadana hanatay kursiga xildhibaano ee beesha Absuge ee Cadaado lagu soo doortay, kaasoo ahaa kursigii ugu danbeeyay, waxaana si weyn looga taageerayay guriga Madaxweyne Xasan oo marwadiisa ay ku bixisay dhaqaalaha ay kusoo baxday Sahro Cumar Maalin.

Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa juhdi iyo dadaal gelisay xildhibaanadaasi sidii ay usoo bixi lahaayeen, cododkoodana u xisaabsan yihiin Madaxweyne Xasan oo mar kale doorashada dhaceysa ku haminaayo inuu kusoo baxo mar kale.

Waxaa la sheegayaa in tirada xildhibaanada ay maal gelisay Marwo Sahro Cumar Xasan ay intaasi ka badan yihiin, walow aanan heyn magacyadooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News