Sawirro: Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Axmed Madoobe oo 2 arrin sameeyay maanta

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha xarunta cusub ee wasaaradda caafimaadka dowlad-goboleedka Jubbaland.

Dhismaha wasaaradda oo loo dhisay qaab-casri ah, ayaa waxa uu ra’iisul wasaaraha sheegay in hirgelinteeda ay ku soo aadday xilli muhiim ah oo gobolka ay ka socdaan dadaallada wax ka qabashada cudurrada ka dhasha daadadka iyo fatahaadaha biyaha ee la xariira caafimaadka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasaaradaha caafimaadka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed in heegan ay galaan, si looga hortago cudurrada faafa ee ka dhasha biyaha wasakhaysan, islamarkaana ay ka yeeshaan qorshe cad.

Madaxda wasaaradda caafimaadka Jubbaland oo uu ra’iisul wasaaruhu kulan la qaatay, ayaa soo bandhigay qorsheyaashooda la xiriira wax ka qabashada saameynta roobabka daadadka wata iyo adeegyada kala duwan ee ay wasaaraddu siiso bulshada ku nool deegaannada Jubbaland.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sidoo kale waxay maanta soo kormeer ku tageen Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, iyaga oo maray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wuxuu warbixinno ku saabsan xaaladaha caafimaad ee dadka ku jira isbitaalka ka dhageystay dhakhaatiirta, oo la wadaagay cabsida ay ka qabaan cudurro safmareen ah oo ka dhasha barakaca degdegga ah ee soo foodsaaray dadka deegaanka.

Waxa uu faray wasaaradda caafimaadka XFS in wax laga qabto adeegyada uu u baahan yahay Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, maadaama laga cabsi qabo roobabka daadadka wata in ay sababaan cudurrada ka dhasha biyaha.

Kormeerka ayaa waxaa ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland ku wehlinayay Wasiirro iyo Xildhibaanno heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah.