Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan qado-sharaf ah ku maamusay madaxdii hore ee dalka.
Madaxdan oo ay ka mid yihiin ra’iisul wasaarayaal hore, guddoomiyayaashii hore ee baarlamaanka, iyo xildhibaanno ayaa qeyb ka ahaa munaasabadda xuska 25-guurada shirweynihii nabadaynta Soomaaliya ee Carta.
Madaxweynaha ayaa xubnahan la wadaagay warbixin ku saabsan qorshaha qaran ee dowlad-dhiska, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, dhamaystirka dastuurka, dardargelinta nidaamka axsaabta badan, amniga iyo ciribtirka argagixisada.
Dhankooda, madaxdii hore ee qaranka ayaa bogaadiyay guulaha la gaaray, iyagoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay talooyin wax-ku-ool ah.
Waxay hoosta ka xariiqeen ahmiyadda ay leedahay hirgelinta doorasho dadweyne iyo adkeynta tiirarka dowladnimada dalkeenna.
Magaalada Carta ee dalka Jabuuti ayaa shalay martigelisay xaflad heer qaran ah oo lagu xusayay 25-guuradii shirkii dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed, waxaana ka qeyb-galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, dhiggiisa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, wasiirro, mas’uuliyiin sar-sare oo ka socday labada dal, iyo marti-sharaf kale.
Intii lagu guda jiray munaasabaddan, waxaa la daahfuray Madxafka Carta, oo diiwaangelinaya marxalado muhiim ah oo ka mid ah taariikhda siyaasadeed iyo bulsho ee Soomaaliya laga soo bilaabo 1960 ilaa 2025, iyadoo madxafku xambaarsan yahay sawirro iyo dukumentiyo naadir ah oo muujinaya geeddi-socodkii dhismaha dowladnimada casriga ah iyo dadaalladii dib-u-heshiisiinta qaran ee ka billowday Carta rubac qarni ka hor.
Munaasabaddan ayaa ahayd xus iyo maamuus loo sameeyay mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee siyaasadeed ee taariikhda Soomaaliya casriga ah, iyo amaanno loo jeediyay hoggaamiyayaashii qaranka ee aas-aasay nidaamka federaalka iyo dhismaha hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.









