Muqdisho (Caasimada Online) – Shirweynaha urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika (EACCON 2025) ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u daah-furay shirkan. Shirweynahan ayaa waxaa ka qeyb-galaya in ka badan 350 ergo oo ka kala socota dalalka ku mideysan urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika (EAC).
Shirka ayaa waxaa sanadkan diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga iyo horumarinta aagga wax-soosaarka ee dalalka xubnaha ka ah ururka.
Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa muujiyay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay door muuqda ka qaadato horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga wadamada ku bahoobay ururkan.
Sidoo kale wuxuu ku dheeraaday warbixinta horumarka Soomaaliya ay ka gaartay ku biirista suuqa bariga Afrika, kobaca dhaqaalaha, horumarka teknoolojiyadda iyo karaanka aadanaha.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cali Balcad oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa yiri: “Soomaalidu dad ahaan hore ayay ugu mideysnaayeen bulshada Bariga Afrika. Ganacsatada Soomaaliyeedna waxay ganacsiyo ku leeyihiin todobo dal oo ka tirsan Bariga Afrika.
Dalalka ka qeyb-galay shirkan, ayaa Soomaaliya ku ammaanay sida ay u muujisay ka-go’naanshaha iskaashiga iyo kala faa’iidaysiga dalalka ku mideysan ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika ay muhiimad gaar ah u leedahay kobcinta iyo furfurnaanta suuqa ganacsiga gobolka.
Si kastaba, shirkan muhiimka ah oo ah fursad lagu xoojinayo ganacsiga, maalgeshiga iyo xiriirka dhaqaale ee dalalka xubnaha ka ah ururka, ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah madaxda sare ee qaranka, wasiirro, iyo wufuud caalami ah.