Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray waddada cusub ee loogu magac daray madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed ee degmada Cabdicasiis.
Sidoo kale waxa uu madaxweynaha oo uu wehlinayo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa isla maanta xariga ka jaray waddada Maxamuud Xarbi ee degmada Warta Nabadda.
Labadaan waddo ayaa waxaa si is-xilqaan ah ku dhisay maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya shacabka degan degmooyinka Warta Nabadda iyo Cabdicasiis.
Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey maamulka gobolka Banaadir iyo dadka deegaanka isku tashiga ay muujiyeen, taasi oo ka tarjumeyso wada-jir iyo wax wada qabsi shacab.
Sidoo kale waxa uu qeybaha kala ee degmooyinka gobolka Banaadir u diray farriin ku aaddan in ay door weyn ka qaatan dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha oo ay ugu horreyso waddooyinka muhiimka u ah isu socodka dadweynaha, kobcinta dhaqaalaha iyo bilicda caasimadda Muqdisho.
Maamulka gobolka ayaa maalmo kahor dhagax dhigay dhismaha waddooyin kale oo cusub, oo ay kamid tahay waddo laga hirgalin doono suuqa labaad ee ugu weyn caasimadda ee Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid.
Dhismaha waddooyinka ayaa ah mid muhiim u ah isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka, sidoo kalena qeyb ka qaadaneysa horumarka caasimada iyo bilicdeedaba.
Si kastaba, maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay sii socon doonaan tallaabooyinka lagu horumarinaayo dib-u-dhiska iyo bilicda magaalada caasimada ah ee Muqdisho.