New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan magaalada New York oo uu u tegay ka qayb-galka shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa halkaas ka bilaabay kulamo duceedyo muhiim ah oo uu la yeelanayo madaxda ku sugan halkaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan gaar ah la yeeshay madax ka tirsan dowladda Mareykanka, gaar ahaan qaybta arrimaha dibadda oo ay ka wada-hadleen saddex qodob oo muhiim ah, lana xiriira xaaladda dalka iyo iskaashiga labada dhinac.
Kulankan ayaa si gaar ah wuxuu u dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxa arrimaha siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, Marwo Allison Hooker, La-Taliyaha Arrimaha Afrika ee Madaxweyne Donald Trump, Mudane Massad Boulos, iyo Ku-Xigeenka Kaaliyaha Arrimaha Afrika, Mudane Vincent Spera.
Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Mareykanka, joogteynta iskaashiga amni iyo la-dagaallanka argagixisada, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Madaxweynaha oo kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa hoosta ka xariiqay sida ay dowladdiisa uga goโan tahay adkeynta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal, kaas oo muhiim u ah xasilloonida iyo horumarka guud ee gobolka Geeska Afrika.
Mareykankana ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageerada milatari siiya Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale toos uga qayb qaataa dagaalka argagixisada ee ka socda gudaha dalka.
Dhinaca kale, Xasan Sheekh ayaa maanta ka qayb-gelay furitaanka meertada 80-aad ee Golaha Guud ee QM oo ay isugu tageen inta badan xubnaha ku jira golaha, iyada oo inta badan diiradda lagu saarayo sidii loo qaadi lahaa tallaabo wadajir ah oo ku aadan isbeddelka cimilada iyo saameynta taban ee uu ku leeyahay dunida, si xal loogu helo.
Sida qorshuhu yahay madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo madasha, isaga oo kaga hadli doono arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya, xaaladaha ka jira gobolka iyo caalamka.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa golaha la wadaagi doono guulaha ay dowladdiisa ku tallaabsatay, gaar ahaan horumarrada laga sameeyay dagaalka lagula jiro argagixisada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya oo looga hadlay doorka Xasan.
“Madaxweynaha ayaa Golaha ka jeedin doona kalmad ku saabsan xaaladda dalka, isagoo soo bandhigi doona guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dib u habaynta dhaqaalaha, dowlad-dhiska iyo hirgelinta doorashooyinka tooska ah” ayaa lagu yiri qoraalka.