Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, halkaas oo si diiran loogu Soo dhaweeyay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qayb-galayo furitaanka Matxafka Qaran ee Dhaqanka iyo Taariikhda Masar., sida ay shaacisay Villa Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka lagu casuumay munaasabaddan, waxa uuna xoogga saarayaa xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya shacabka Soomaaliyeed iyo dhiggooda dalka Masar.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh aya inta uu joogo Masar lagu wada inuu kulan gaar ah la yeesho Cabdulfataax Al-Sisi, iyaga oo ka wada-hadli doono iskaashiga labada dal oo sii xoogeysanaya, maadaama Masar ay qayb ka noqotay howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.
Ciidamada Masaarida ayaaa qorshuhu yahay in dhawaan ay soo gaaraan dalka, waxaana kol hore lasii diyaariyay goobaha ay dagi lahaayeen oo kormeer qiimeyn ah lagu sameeyay.
Dhaq-dhaqaaqa diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Masar ayaa muddooyinkan sii xoogeysanayay, kadib markii Muqdisho ay garab istaag buuxa ka heshay Qaahira, xilli ay is wajahayeen xukuumadda Addis Ababa oo soo damaacisay biyaha Soomaaliya.
Masaaridu si guud cilaaqaadka kala dhaxeeya dowladda federaalka waa jiray, hayeeshee labada dhinac ayaa haatan qaaday tallaabooyin sare loogu qaadayo iskaashigooda.


