28.9 C
Mogadishu
Tuesday, November 4, 2025

Sawirro: Xasan Sheekh oo ka qeyb-galay caleemo-saarka…

Bookmark
Bookmarked

Share

Dodoma (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Dodoma ee caasamidda dalka Tanzania.

Madaxweynaha ayaa halkaasi uga qeyb-galay caleemo-saarka Madaxwaynaha dib loo doortay ee dalka Tanzania, Marwo Samia Suluhu Hassan.

Xasan Sheekh oo qayb ka ahaa madax kala duwan oo heer gobol ah, kuwaasi oo lagu casuumay ka qeyb-galka munaasabadda ayaa muujiyay ahmiyadda xiriirka iskaashi iyo wax wada-qabsi ee ay wadaagaan labada dal.

Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu u rajeeyay Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Tanzania in ay xoogga saarto ka miro-dhalinta ajendeyaasha heer qaran, heer gobol iyo heer qaaradeed ee hor yaala.

Samia Suluhu Hassan ayaa guul weyn ka gaartay doorashadii ka dhacday Tanzania, iyadoo heshay ku dhawaad 98% codadka, sida ay subaxnimadii Sabtidii ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinku.

“Waxaan halkan kaga dhawaaqayaa in Samia Suluhu Xasan loo doortay Madaxweynaha Tanzania iyada oo ka socota xisbiga CCM,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Jacobs Mwambegele, isagoo ka hadlaya telefishinka qaranka.

Guddoomiyaha INEC, Jacobs Mwambegele, ayaa sheegay in Samia Suluhu Hassan ay ku guuleysatay oo ay heshay 31,913,866 codod oo ka mid ah 32,678,844 codod oo la dhiibtay.

Natiijooyinkan ay ku dhawaaqday INEC waxay haatan siiyeen Suluhu awood buuxda oo ay ku maamusho dalkaasi muddada shanta sano ee soo socota. Suluhu waxay talada qabatay sanadkii 2021 ka dib geeridii Madaxweyne John Pombe Magufuli.

Doorashadan ayaa waxaa ka dhashay mudaharaadyo rabshado wato, kuwaas oo ay ku dhinteen dad shacab ah oo kasoo horjeeday doorashada toddobaadkii hore ka dhacday dalka Tanzania.

Kooxo mucaarad ah ayaa sheegay in boqolaal qof la dilay, halka Qaramada Midoobay ay sheegtay in toban qof la dilay, balse Thabit Kombo wuu beeniyay sheegashadaas.

Intii ay socdeen dibadbaxyada ka dhanka ah madaxweynaha la sheegay inuu mar kale ku guuleystay tallada Tanzania ayaa waxay dowladdu jartay internet-ka, kaasi oo ay ku dooday in laga lahaa ujeedooyin lagu sugayo amniga kadib doorashadii ka qabsoomtay dalkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News