Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qaabilay madaxtooyadda Qaranka Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Dalka Jabuuti, ahna Madaxweyne ku xigeenka CAF iyo xubin ka tirsan Golaha FIFA (FIFA Council), Suleemaan Xasan Waaberi.
“Madaxweynaha ayaa muujiyay sida Qarankeenna ugu faraxsan yahay ka mid noqoshada xubinnimada FIFA ee Jabuuti, wuxuuna sidoo kale sheegay inay ka go’an tahay is-dhaafsiga khibradaha xiriirka noocyada kala duwan ee ciyaaraha,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxgooyada.
Kulanka uu madaxweynaha la yeeshay
Suleemaan Xasan Waaberi waxaa ku weheliyay wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Gudoomiyaha xiririirka kubadda cagta Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin kale.
Kulankaan ayaa ku soo aadaya iyadoo maanta ay magalaada Jabuuti ee dalka Jabuuti ku kulmeen Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamuud Aadan Geesood iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, kadib booqasho wasiirku uu ku tegey Jabuuti.
Si loo xoojiyo xiriirka walaaltinimo iyo derisnimo ee qotada dheer ee u dhexeeya labada dal ayaa looga wadahadlay kulankaas oo intii uu socday si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga ganacsiga, iyadoo labada dhinac ay garowsan yihiin tilmaamay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista isu socodka badeecadaha iyo maalgelinta ganacsiga.
Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya ayaa ka qeybgalay shirka iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga suuqa xorta ah ee Afrika, oo lagu qabtay magaalada Jabuuti.
Dowladda Soomaaliya ayaa garab buuxa u noqotay Jabuuti tan iyo dib u doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh, waxay Soomaaliya u ololeysay in Jabuuti ay hesho kuraas caalami ah oo kii guddoomiyaha Midowga Afrika uu ugu dambeeyey.