Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, xuska 65-guurada ka soo wareegtay maalintii ay Soomaaliya xorriyadda iyo midnimada heshay awgeed.
Munaasabadda calan-saarka ayaa ku qabsoomtay Madaxtooyada, iyadoo Madaxweynaha uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Xuskan taariikhiga ah ayaa ah mid milgo iyo xusuus gaar ah u leh ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna muujinayaa halgankii geesinimada lahaa ee ay shacabka Soomaaliyeed u soo galeen xornimada iyo midnimada dalka.
Dhinaca kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qoraal soo saaray ayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda 65-guurada ka soo wareegtay maalinta xorriyadda, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed oo ku beegan 1-da Luulyo.
“Toddobaadka xorriyaddu waa dharaaro qiimi badan oo ku timid halgan dheer oo ay shacabka Soomaaliyeed u soo galeen sidii ay isaga dulqaadi lahaayeen heeryadii gumaystaha, una hanan lahaayeen dowladnimo sal adag oo ay iyagu leeyihiin,” ayuu yiri Farmaajo.
Sidoo kale wuxuu dadka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay mar walba xusuustaan halgankaas iyo taariikhdaas qiimaha badan, una duceeyaan halyeeyadii naftooda iyo dhiiggooda u huray xorriyadda, gobannimada iyo dowladnimada aan maanta haysanno.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan u dabaal-degayay maalmaha taariikhiga ah ee xornimada, oo kala ah 26-ka Juun, 27-ka Juun iyo 1-da Luulyo.























