25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Sawirro: Xisbiga Xasan oo lagu dhawaaqayo caawa – Maxaa ka socda Muqdisho?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka ee (JSP) oo ay ku mideysan yihiin madaxda dowladda federaalka iyo madaxda saddex dowlad goboleed ayaa caawa looga dhawaaqayaa magaalada Muqdisho.

Kulanka lagu shaacinayo Xisbigaan ayaa caawa ka socda Hoolka Sahal, waxaana goobta jooga dhamaan xubnaha xisbiga oo la hadli doona taageerayaashooda oo goobta soo buux dhaafiyey.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqonaya Guddoomiyaha, ahna Musharaxa JSP, iyadoo uu yeelanayo illaa afar Guddoomiye ku xigeen oo lagu salleeyay saami qeybsiga dhanka beelaha ee 4.5.

Dhismaha Xisbigaan ayaa soo maray todobaadyo si adag la isugu hayay qaab dhismeedka hoggaanka xisbiga, balse ugu dambeyntii waxaa laga gaaray gaaray heshiis rasmi ah.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa aaminsan in Xisbigan uu yahay mid isku qaatay dhammaan awooddii dowladda dhexe iyo tan dowlad goboleedyada ka dhisan koonfurta dalka.

Sidoo kale, waxaa meesha ka baxaya kalsoonida lagu qabi karo siyaasad loo dhan yahay oo ka timaada madaxda ku mideysan xisbigaan.

Dad badan ayaa is waydiinaya sida uu Xisbigu ku socon karo, maadaama uu yahay isbahaysi isku danaysi ah oo dhinacyada ku mideysan ay yihiin kuwo damacoodu yahay xukun dheereysi.

Dowlad goboleedyada ku jira xisbigaan waxaa u dhamaaday muddo xileedkooda, halka madaxda dowladda federaalka uu u haray hal sano oo kaliya.

Sikastaba caawa waxaa lagu dhawaaqayaa xisbigaan weyn ee gacanta ku haya awoodda dowladda federaalka iyo seddax kamid ah dowlad goboleedyada, waxaana munaasabadda khudbado ka jeedi doona dhamaan xubnaha muhiimka ah ee Xisbiga.

- Advertisement -

Read more

Local News