Maxamuud Sayid Aadan oo bedelay mowqifkiisii diidmada xukuumadda R/W Xamza

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa beddelay mowqifkiisii hore ee diidmada  xukuumadda cusub ee uu dhowaan soo dhisay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre.

Sayid Aadan ayaa shaaca ka qaaday inay weli jirto tabashadii ay Beel ahaan qabeen, balse wuxuu tilmaamay inay wada-hadleen ra’iisul wasaaraha, ayna ballameen.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu sidaas darteed uu beddelay mowqifkiisii, isla-markaana uu taageerayo xukuumadda cusub, isaga oo u hambalyo u diray ra’iisul wasaare Xamza.

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in muhiimaddu ay tahay is qancin, si uu horey ugu sii socda qaranka Soomaaliya.

“Waan u hambalyeynayaa ra’iisul Wasaare Xamza, xukuumaddiisa iyo madaxweynaha, maalin dhaweyd aniga iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug waxa aan kasoo saarnay dhaliil, haddana inta aan ansixinta la gaarin waan wada hadalnay waxa aan kaga heshiinay in tabashadaas wax la qabto, xalkeedana uu jiro, qarankana horay u socdo oo aan isbaaro iyo Lug-gooyo lagu sameyn” ayuu yiri Mudane Maxamuud Sayid Aadan.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in xukuumadda cusub ay hortaallo howl adag, loona baahan yahay in lala shaqeeyo.

“Xukuumaddaan xilliga dalka uu marayo xagga amniga, Midnimada Bulshada, Dhaqaalaha, Abaarta, Mishkilada ku hareereysan aad & aad ayay u farabadan yihiin, Xukuumaddaan waxaa laga filan karaa iyada oo arrintaan ku xisaabtameyso, waaya-aragnima ay jirto, marka la fiiyo Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoonka Baarlamaanka iyo Xukuumadda inteeda badan oo xog ogaal u ah in laga fikiro sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka jira” ayuu sii raaciyey Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo shalay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay codka kalsoonida siiyeen xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.