Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa habeenimadii xalay magaalada Muqdisho ka dhacay kullankii ugu ballaarnaa oo ay isugu yimaadan Musharaxiin iyo Xildhibaano.
Musharaxiinta kulanka la qaatay Xildhibaanada ayaa kala ahaa Sheekh Shariif, Farmaajo iyo Cosoble oo ku guda jira saacadihii ugu danbeeyay ee cod raadintooda.
Kulanka Seddexda Musharax iyo Xildhibaanada ayaa ka dhacay Hotelka Jazeera Palace oo ku yaalla meel aan ka fogeyn Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada kulanka soo xaadiray ayaa la sheegay inay kor u dhaafayaan 130 Xildhibaan oo kamid ah Xildhibaanada Isbedel doonka ah, ee dhawaan ku shiray magaalada Muqdisho.
Dhaqdhaqaaqa Seddexda Musharax iyo Xildhibaanada ee Hoteel Jazeera, ayaa lagu tilmaamay inuu yahay kii ugu ballaarnaa ee Murashixiinta iyo Xildhibaanadda isku arkaan, tan iyo markii la bilaabay Ololaha Doorashadda.
Musharaxiinta iyo Xildhibaanada ayaa waxaa sidoo kale ka dhex shaqeynaaya Siyaasiyiin u muuqda dulaaliin kuwaa oo u kala dabqaadaya labada dhinac ee isku baahan, hadana kala baahan.
Xildhibaan waliiba ayaa taageero gaara u ah Musharax uu la doonaayo xilka Madaxweyninimo ee Somalia, waxaana meesha ka maqan kalsoonida labada dhinac.
Docda kale, Musharaxiinta ayaa saacadaha ka harsan doorashada lagu wadaa inay sii laba jibaaraan ololaha cod raadinta.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com