SHAACIN: Xiriir ayaa ka dhaxeeyay FBI-da Mareykanka iyo Al-Qacida + Video

Washington DC (Caasimada Online) – Warbixin baaritaan ah oo uu sameeyay wargeyska Washington Times ayaa shaaca ka qaaday in uu jiray xiriir toos ah oo dhexmari jiray FBI-da Mareykanka iyo shabakadda Al-Qacida.

Warbixintan uu daabacay wargeyska ayaa shaaca ka qaaday inay jireen shaqsiyaad u shaqeeya FBI-da Mareykank, oo ka tirsanaa Al-Qacida.

Wargeysku wuxuu sheegay in xarun ku taalla magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka oo qaabilsanayd la dagaalanka argagixisada ay ka tirsanaayeen shaqsiyaad dhowr ah, oo sidoo kalena ku jiray Al-Qacida.

Su’aalo fara badan ayaa soo baxay tan iyo markii uu wargeysku arrinkan soo bandhigay, waxaana su’aasha ugu weyn ay ahayd, haddii FBI-da ay shaqsiyaadku dhexlahayd Al-Qacida, side ayay ku ogaan weysay weerarkii September 11, mise waaba ay ogeyd?

Warbixin ay arrintan ka diyaarisay CNN, halkan hoose ka daawo

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
Caasimada@live.com