28.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Shabakad Al-Shabaab u qaabilsaneyd qaraxyada iyo dilal oo xukun adag lagu riday

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukuno kala duwan oo xabsi ah ku ridday shabakad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo qaabilsaneyd dilalka qorsheysan ee gaadmada iyo weerarada qaaxyada ee caasimadda.

Maxkamadda ayaa xabsi u dhexeeya 3 sano illaa 10 sano ku xukuntay 4 xubnood oo ka tirsanaa shabakaddan oo ay horay usoo qabatay NISA, iyada oo dhanka kalena lasii dyaayay Xasan Cali Ciire Kuuloow oo lagu waayey wax dambi ah

Makxmadeynta raggan ayaa soo martay marxalado kala duwan, waxaana ugu dambeyn maanta laga gaaray go’aan kama dambeys ah.

Hoos ka akhriso:-

Eedeysaneyaasha kala ah Maxamed Nuur Cali, afgarashadiisuna tahay Cabdimajiid, Cabdullaahi Xuseen Maxamed iyo Deeqoow Aadan Barre Balse kooxda dhaxdeeda loogu yeero Cumar oo dhamaantood isku wada tabbabar ah, Ayaa Shabakadaan uga wakiil ahaa Dilalka qorsheysan ee Gaadmada ah.

Nissa oo ku duulaysa xogo sirdoon ayaa samaysay Holwgallo Qorsheysan oo ka hortag  ah seddex Goboodna ka kala dhacay, waxayna ku soo qabatay Eedeysaneyasha iyo Hub ka kooban Seddex  Bastooladood iyo laba Bam F1 Sideed iyo Tobankii Bishii August 2024.

Cabdishakuur Cabdiqaadir Maxmed  Webka, ayaa lagu  eedeeyay in uu si gaara Shaqadiisu aheyd Qeybta Qaraxyada, waxaana galkiisa laamaha amniga ku jira in Qarax nooca Miinada Dhulka lagu aaso ah ka fuliyay laamiga dheer ee Degmadda Kaxda, qaraxaasi oo ay ku geeriyoodeen tiktokers muuqaalo ku duubaayey laamiga hareerihiisa, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka, ayaana qabatay isagga labadiisa Horjooge ee Yaasir iyo Guuleed  oo uu u kala gudbinaya Subag.

Farxaan Aadan Xassan, ayaa Qoryoolay uu ku dhashay uga soo cararay dugsi Diidnimo, waxaana laga diiwaan geliyay Safka Khawaarijta, Gaar ahaan Qeybta Dilalka qorsheysan iyo Qaraxyada.

Xassan Cali Ciire Kuuloow, ayaa isna lagu  eedeeyay in uu  shaqo suga u ahaa shabakadaan, waxaana uu gacan galay kadib tilmaam laga helay eedeysane Farxaan oo ay isku shaqa ahayeen.

Baaris dheer ka dib xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday Mudeynta Kiiskaan, waana laga aqbalay.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukuntay.

  • Maxamed Nuur Cali, Cabdulaahi Xuseen Maxamed iyo Deeqoow Aadan Barre ayey Maxkamadu ku xukuntay min Toban Sano oo Xabsi Argagixiso ah.
  • Cabdishakuur Cabdiqaadir Maxmed Webka, ayaa lagu xukumay Sadax sano oo Xabsi argagixiso ah.
  • Farxaan Aadan Xassan ayaa isna lagu xukumay Shan sano oo Xabsi Argagaxiso ah.
  • Halka Xassan Cali Ciire kuuloow dib loo siiyay Xuriyadiisa.

Sida uu warbaahinta u sheegay G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

- Advertisement -

Read more

Local News