Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka magaalada Muqdisho ayaa maanta dhibaato kala kulmay hishiis dhexmaray shirkad gaar ah iyo madaxda dowlada Soomaaliya.
Hishiiska oo u dhaxeeya Shirkada Ceymiska Takaful iyo madaxda dowlada Soomaaliya ayaa saameyn ku yeeshay gaadiidleyda magaalada Muqdisho.
Waxaana kadib gaadiid leyda oo culees badan kala kulmay dowlada Soomaaliya saaka ay ku dhawaaqeen iney shaqo joojin sameeyeen.
Shaqo joojinta gaadiidleyda ay sameysay ayaa saameyn ku yeelatay shacabka magaalada Muqdisho, maadaama aysan saaka magaalada ka jirin gaadiidkii dadweynaha raaci jireen.
Shacabkii raaci jiray gaadiidka kala duwan ee tagayay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa saaka la arkayaa iyaga oo wadada lugeynaya.
Gudiga iskaashatada gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay dowlada Soomaaliya iney wax ka qabato culeeska iyo dhaqaalaha badan ee lagu soo rogay gaadiidka dadweynaha.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]