Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa xalay bannaanbax wayn ka dhigay isgoyska Taleex ee degmada Hodan, kaas oo ay ku diideen aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland.
Dhalinyaro, haween, fanaaniin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qayb-galay dibadbaxa, kuwaas oo soo buux dhaafiyay aagga Taleex.
Guddoomiyaha ururka dhalinyara gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in reer Muqdisho ay muujiyeen shucuurteeda, ayna ka dhiidhiyeen xadgudubka Israa’iil ee madax banaanida dalkeenna.
“Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho weligood waxay u taagnaayeen dalkan ilaalintiisa iyo qarannimadiisa” ayuu yiri Cumar Faaruuq.
Sidoo kale, waxaa isku soo baxan qayb ka ahaa dhalinyarada caanka ka ah baraha bulshada oo muujiyay dareenkooda, waxayna sheegeen inay sii wadi doonaan banaanbaxyada looga soo horjeedo gar-daradda cad ee Israa’iil.
“Qaddiyadda Soomaali marka ay taagan tahay kama kaftameyno, kacdoonka looga soo horjeedo Yuhuudda waan sii wadeeyna” ayuu yiri Baana Boy oo kamid ah dhalinyarada caanka ah baraha bulshada, gaar ahaan TikTok-ga.
Waxaa kale goobta ku sugnaa haween badan oo Soomaaliyeed oo iyaguna o bandhigay mowqifkooda, waxayna sheegeen inay garab taagan yihiin dowladdooda.
“Waxaan joognaa caasimada magaalada Muqdisho oo runtii aad iyo aad u xamaasadeysan taas oo lagu diidan yahay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, sababtoo ah annaga waxaa nahay dad Islaam ah ma rabno Israa’iil faraceeda iyo meel ay ka timid” ayay tiri Maamo Sahro.
Si guud dadka Soomaaliyeed ayaa si weyn uga xumaaday heshiiska ay Somaliland la gashay Israa’iil, kaas oo horseeday in Jimcihii Ra’iisul wasaare Netanyahu uu ku dhawaaqay in dal madax banaan ay u aqoonsadeen Somaliland.


